|
Askari Baydhabo Lagudilay |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Friday, 14 March 2008 |
|
Baydhabo,(insidesomalia.org)-Askari katirsanaa Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu diley gudaha Suuqa Xoolaha ee Magaalada Baydhabo.
Asakarigan ayaa noqonaya kii Afaraad ee laba Maalmood gudahood lagu dilo Gobolkan Baay, Aroornimadii Shalay ayay ahayd markii 3 Askari oo Booliis ah lagu Dilay Bar Koontarool oo ku tiil Tuulada Qardho oo u dhaxaysa Buur-Hakaba & Leego, Inkastoo ay sheegteen dilka askartaasi Kooxda uu Hogaamiyo Sheekh Mukhtaar Rooboow Abu-Manzoor. ee Al Shabaab.
Dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Baydhabo ayaa waxay noqdeen kuwo soo noqnoqda, Magaalada Baydho ayaa hada waxaa ay xarun kumeel gaar ah utahay Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya.
ma ahn markii ugu hireysey ee dil noocan oo kale ah uu kadhaco magaalada baydhabo waxaa xusid mudan in bishii aan kasoogudubney lagu diley askar itoobiyaan ah iyo kuwo kale oo katirsan Dowlada kMg ah ee Soomaaliya.
Shacabka caadiga ah ee Magaalada Baydhabo ayaa wal-wal ka qaba dilalka noocan ah oo in mudo ahba kadhacay Magaalaalada,Godoomiya maamulka cusub ee gobolka bay Mr Cabdifataax Maxamed Ibraahin Geesey ayaa daweynaha Magaaladaasi ugu baaqey in ay kashaqeeyaan nabadgeliyada iyo xasiloonida si loo gaar hormar waxtar leh.
|